|
Muqdisho,(insidesomalia.org) - Qarax xoogan ayaa goordhaweyd laga maqlay wadada isku xirta garoonka Muqdisho iyo Isgoyska KM4, waxaana qaraxaas uu waxyeelo gaarsiiyay ruux rayid ah oo goobta ka dhawaa.
Walaxda qaraxday oo ahayd miinooyinka jidka dhiciisa la geliyo ayay wararku sheegayaan in lala damacsanaa ciidamada AMISOM oo howlo miiino saaris ah ka waday wadadaas.
Ruuxa dhaawacmay ayaa lagu sheegay dhaawiciisa inuu ahaa mid fudud, waxaana ciidamada AMISOM iyo kuwo kale oo Somali ah oo ka dhawaan goobta uu qaraxu ka dhacay ay fureen rasaas aad u badan taasoo aan waxyeelo geysan.
Goobjoogayaal ayaa inay mar qura istaageen isku socodka gaadiidka iyo kan dadka, iyadoo xiliga ay qaraxa iyo rasaastu dhacayeen ay ahayd KM4 meel aad u camiran oo ay dadweyn badan joogeen.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxaas, waxaana dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadka, waxaana inta badan ka dhaca Isgoyska KM4 iyo kan taleex qaraxyo iyo rasaas u dhexeysa Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka horjeeda.
Dhawaan ayaa lagu dilay askari Uganda u dhashay oo ka tirsan AMISOM qarax miino oo ka dhacay jidka isku xira Isgoyska KM4 iyo garoonka Muqdisho, halkaasoo saldhigyo u ah ciidamada nabad ilaalineed ee Afrika ka socda.
|